Suugaan qoraal ah

Macallinkeen Allow kaal

 Maansadan macallinkeen Allow kaal waxa ay soo baxaday 2006 bishii 11-21dii. Waxa ay ka hadlaysaa xilxa mugga weyn ee uu baruhu

 

noolaha ama aadamaha u hayo. Nooluhu waa wada bare qofba qofbaa soo barbaariyey oo wax soo baray. Baraha koowaad ee nolosha ugu

 

mudani waa hooyada. Waxa xiga deegaanka, deriska iyo faca ay noolahaa yar ee dunida ku soo siyaaday isla cayaarayaan inta aanu baraha

 

xirfadeed la kulmin. Macallinaka dugsigu waa baraha xirfadda nolosha. Barahaasi waxa uu baraa carruurta sidii uu ilmahaasi nolosha ula

 

qaybsan lahaa, mujtamaca uu ku soo biiray iyo halka uu ka geli lahaa kaalinta looga baahan yahay.


 Macallinkeen Alloow kaal!


Macallinkiis Alloow kaal!


Mu´miniita Allow kaal!


Nin kaashaba Allow kaal!


Mug weyn dunidani malaasan,

 

Gabaygan garnaqsi haween waxa uu soo baxay 2005. Waxa uu ka hadlayaa dhibka haysta haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba haweenka caalamka meel walba oo ay joogaan. Gabaygu waxa uu ka hadlayaa wax walba oo la qabto oo ay bulshadu wada qabato in ay haweenku kaalintooda ka qaataan, inta raggu qabto in ka badanna ay weliba qabtaa haddana natiijada aanay inta badan wax ku la hayn.

Xalay gellin dhexaadkii mar aan godosha hayn waayey
Gama´ii mar uu iga gedmaday oon galgalanaayey
Ayuunbaan garwaaqsaday inaan goonyo faalalo
Gooh iyo sawaxan baan maqliyo hadal gambooley
Galbis iyo waxay ila ahayd gole cayaareed
Anoo gaatamaayoo warkii goonyo dhuganaaya
Ooy xaajo igu giigtay oo laba gardeymooni
Ayuun baan u soo galay haween talo gorfaynaaya

 

Gabaygan Muftaaxii midnimadoo luntay oon meelna lagu haynin
Gabaygan waxaan tiriyey 213 bishii juun 26. Taariikh dheer oo
lama illaawaan ah mid hore iyo danbebe ayuu ka hadlayaa.

In dhaweydba gabay Maxamadoow waanigaan marine
Madashaan aan ka luuqeyni jiray maandhe waan nacay
Maskaxdii da´aysay ee murtida igu macsuumaysay
Ee gabay soo maaxaneysaa diidday maansadii
Waxa maaro waaga iga dhigay murugo weeyaan
Sidii ruux madluumaan cidlada keliday meeraa.
Ha yeeshee markay maalin tahay ani muhiim ii ah
Midnimiyo markay taagan meel u wada jeedka
Ayaa maali jiray iyo ayaa magaca Soomaal ah
Madal rag siku soo baxay markuu Mawle igu beego
Wixii iiga muuqdiyo samahaan ugu miciinaa
Murti dhaxalgalaan kaga tagaa muuno iyo luuqba 
Maahmaahna waan daba dhigaa mahadho weyn reebta

 

 

Gabaygan Xulashada guurka oo aan foodsaar uga dhigtaya hablaha ama gabdhaha laakiin ku wajahan guud ahaanba dhllinta wiilal iyo gabdhoba waxa uu soo baxay sannadkii 2007 waxa aan kula dardaarmayaa dhallinta guurdoonka oo aan leeyahay si aad u heshaan reer raaga oo raandhiis leh in aad qofka aad nolosha la wadaagi doonto iska barato oo aad dhuxdo si aan guurkaagu u noqon mid aad ku guuldarraysato.Gabaygu waxa uu soo qaadanayaa tiirarka islaamka qofka laga helo tiirarka islaamka waxa laga yaabaa waxa ka dhimani in uu yar yahay.

Gabay xiise weyn uma an qabin inaan ku xiiqaaye
Ma xaalleeyo waayadan murtida xulashadeediiye
Dhaaxaan xarrago sheegi jiray xarafka maansaade
Xeerbeegtidiisaan ahaa lagu xurmeeyaaye
Waa xisaabtan dunidu é mar aan xalayto faalleeyey
Murti aan u soo xulay gabdhaha haatan igu xeeran
Xirsi waara inan uga dhigo iyo xusuus raagta
Xil i saaran weeyee dadyahoow maanta iga xoorsha

Iyaguna xurmay mudan yihiin lagu xusuustaaye
Nimankii murtida xididdadiyo xeerka u sameeyey
Raggii gabayga xoodaamin jiray waa xabaalaha é
Xushmo iyo abaal baan annagu u xawileynaaye
Xadkii ay marsheen inaan ku simo igu xaq weeyaane
Murti aan u soo xulay gabdhaha haatan igu xeeran
Xirsi waara inan uga dhigo iyo xusuus raagta