Macallinkeen Allow kaal

 Maansadan macallinkeen Allow kaal waxa ay soo baxaday 2006 bishii 11-21dii. Waxa ay ka hadlaysaa xilxa mugga weyn ee uu baruhu

 

noolaha ama aadamaha u hayo. Nooluhu waa wada bare qofba qofbaa soo barbaariyey oo wax soo baray. Baraha koowaad ee nolosha ugu

 

mudani waa hooyada. Waxa xiga deegaanka, deriska iyo faca ay noolahaa yar ee dunida ku soo siyaaday isla cayaarayaan inta aanu baraha

 

xirfadeed la kulmin. Macallinaka dugsigu waa baraha xirfadda nolosha. Barahaasi waxa uu baraa carruurta sidii uu ilmahaasi nolosha ula

 

qaybsan lahaa, mujtamaca uu ku soo biiray iyo halka uu ka geli lahaa kaalinta looga baahan yahay.


 Macallinkeen Alloow kaal!


Macallinkiis Alloow kaal!


Mu´miniita Allow kaal!


Nin kaashaba Allow kaal!


Mug weyn dunidani malaasan,

 

 


Adduunyadan magaca weyn,


Markii Mowluhu abuuray,


Markii loo muday lugaha,


Iyadoo isku murugsan ooy,


Dadkuna mucsur wada yahiin,


Malaasan oon marrin lahayn,


Iyadoo mugdiyoo la garn,


Malkadii dadku mari lahaa,


Meeshii laga bixi lahaa,


Manfacii dadku cuni lahaa,


Biyihii lagu maydhan lahaa,


Maryihii laga xidhan lahaa,


Makaankii la degi lahaa,


Maalkii dadku dhaqan lahaa,


Afkii wax midayn lahaa.


Macbuudka Ilaahay baa,


Macallinka u soo diroo,


Miciin uga dhigay naflaha,


Maskax buu adeegsadoo,


Musbaax buu ifiyey oo,


Majarahii buu haleeley.


Ha yeeshee maalin qudha,


Mooriyo minan kuma samaysmin,


Mood iyo nool laguma helin,


Magaalona kuma ahaanin,


Mudday miyir li´i ahayd,


Mudday meehannow ahayd,


Mudday meer meer ahayd,


Mudday muusanoow ahayd,


Mudday magic li´i ahayd,


Mudday milga li´i ahayd,


Mudduu mashaqiyo rafaad,


Nafluhu meel li´i ahaa.


Midhaysigu ugu mudnaa,


Qadhaabsigu magic lahaa,


Waxay hadba meel martaba,


Waxay meeraysataba,


Waxay maydhax diirataba,


Waxay mooro oodataba,


Waxay deyr meerisaba,


Maqasha soo urursataba,


Mareeg u samaysataba,


Wuxuu yidhi macallinkii,


Masiibooy mahad adaa leh,


Muhiimadda nolosha iyo,


Micnaha adaa i baray.


Miidaankii ugu horreeyey,


Ugaadhiibuu mulkiyey,


Muquunshoo wuu hantiyey,


Wixii moorada u galay,


Wixii maqlay een ka didin,


Mallay gaatuu ahaaday,


Macaankiisuu dhadhamiyey,


Midhihii dadku keensadeen,


Iniinyihii la iska madhay,


Ayuu miigaystay oo,


Mudh soo yidhi oo anfacay,


Moos iyo moxog buu abaauray,


Biyhii moqorrada ku jiray,


Moos iyo madhax buu ka dhigay,


Maaxdii webiguu ag degay,


Micnihii noloshuu ogaaday.


Dadkuu magacyo ula baxay,


Dhirtii buu muunadaystay,


Mahiigaankiyo dabaysha,


Qabowgiyo milicda kulul,


Ayuu ka samaystay meel.


Mooriyo minan buu unkaday


Mus iyo dayr buu ku xeeray


Wuxuu iska moosay daadkii,


Wixii halis miidhan iyo


Masiibadii buu ogaaday,


Inay tahay macallin weyn,


Mid aan laga maarmi karin,


Mididii buu dhagaxii ka qoray,


Dabkii buu madag ka dhaliyey,


Birtii buu mudac ka shubay,


Maxaadhkii buu samaystay.


Macaashkii buu dareemay


Durbaba mawlac buu abuuray,


Malcaamadna wuu samaystay,


Magaalaa laga alkumay.


Midnimo inay tahay mid aan?


Mujtamacu ka maarmi karin,


Muhiim nolosha ay u tahay,


Muruqoo la mideeyo iyo,


Maskaxdoo oo la miciinsaduu,


Bulshadu mise wada ahaataa,


Milgiyo sharaf lagu helaa,


Maahmaahdaa qaaliga ah,


Macallinkaa nooga tagay,


Dugaaggii micida lahaa iyo


Maskiyo halaquu ogaaday


Intaan laga maarmin iyo


Muhiimkii buu hantiyey


Maslaxaddii nolosha iyo


Wixii micnaluu la baxay.


Dadkii ninba meel u jeeduu,


Dantooda intuu mideeyey,


Si ay isku magansadaan,


Cadowga uga magan galaan,


Nabadda ugu meel maraan,


Dunidan u muquuniyaan,


Iyagu uga madax noqdaan,


Xooggooda u mahadiyaan.


Intaas oo wada muhiim ah


Micnihii noloshana xambaarsan,


Maslaxaddii aadamuhu


Aday midigtaada taal


Ilaah baa mahadda lee,


Baroow meeqaan sraad,


Mujtamacani ugu jirtaa,


Haddaad meel soke is moodday,


Waxaad tahay moogan tahay,


Magaca aad leedahiyo


Mansabka dadka aad ka joogto,


Macbuudkuun baa yaqaan.


Masuuliyad baad siddaa,


Misbaax ifayaad waddaa,


Magool baxay baad waddaa


Man iyo ubax baad sidaa


Ilays muuqdaad waddaa,


Cilmiga aad meerisaa


Macaan weeyaan asal ah


Adaa maatada barbaarsha


Muftiga adigaa waxbara


Muhandis ardaygaaga weeye


Dhakhaatiirta magaca weyn


Siyaasiga sida Mandeela


Sharafta aadamaha muuja


Macallin adigaa barbaasha


Ilaah baa mahadda lee


Macallin waxaad tahay muhiim


Mishiinnada duula iyo


Madaafiicda yeedhaysiyo


Waxaa moodhadh roorayiyo


Maraakiibta quusaysiyo


Miiggiyo miiraajka duuli


Aday maaxdaa yihiin,


Walaalkay macallinoow


Muftaaxii dunidanoow
Maskaxdii aadamiganoow


Masaalkii lagu daydoow


Midnimo asalkeediyoow


Iftiinkii muuqdayoow


Misbaaxii ololayoow


Mahiigaankii arliga


Miseeyee wada maroow


Allow magacaa jiraa


Masuuliyadda aad waddiyo


Casharka aad meerisaa


Allow kuu meel maraa


Wanaag baad muujisee


Allo madhax kaaga yeel


Iftiinkaa ad muujiseyi


Allow fayda mugdiga


Allow muruqaaga iyo


Xooggaaga aad mahadisaa


 


Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan