Gabaygan Muftaaxii midnimadoo luntay oon meelna lagu haynin
Gabaygan waxaan tiriyey 213 bishii juun 26. Taariikh dheer oo
lama illaawaan ah mid hore iyo danbebe ayuu ka hadlayaa.

In dhaweydba gabay Maxamadoow waanigaan marine
Madashaan aan ka luuqeyni jiray maandhe waan nacay
Maskaxdii da´aysay ee murtida igu macsuumaysay
Ee gabay soo maaxaneysaa diidday maansadii
Waxa maaro waaga iga dhigay murugo weeyaan
Sidii ruux madluumaan cidlada keliday meeraa.
Ha yeeshee markay maalin tahay ani muhiim ii ah
Midnimiyo markay taagan meel u wada jeedka
Ayaa maali jiray iyo ayaa magaca Soomaal ah
Madal rag siku soo baxay markuu Mawle igu beego
Wixii iiga muuqdiyo samahaan ugu miciinaa
Murti dhaxalgalaan kaga tagaa muuno iyo luuqba 
Maahmaahna waan daba dhigaa mahadho weyn reebta

 

 

Afartaa micneeyaye haddaan ararta kuu miiso
Murtidiyo ujeeddada haddaan mudane kuu sheego
Yuu marrin habaabine haddaan goboda soo miiro
Taariikh la soo maray haddaan milicsannoon eegno
Muqdisha iyo Hargaysaa alkumay magaca Soomaale
Mataanahaa Ilaah wada dhashay ee isku miciinaayey
Ee midnimo doortee qabiil diiday magaciisa
Is makaabsigoodaa kufrigii loo miciinsaday
Midbaa loo ahaa gobannimada meel la joogaba.
Ayaa maali jiray maalintii rag ugu maanseeyey
Mintidkiyo markii aan ahayn meel u wada jeedka
Mabda´eennu goortuu ahaa muuja calankiina
Ee gumaysi wuxuu maal lahaa meel iskugu keenay
Mataraarayaal iyo wuxuu dhigay iyo madaafiicba
Minawaarro quusiyo wuxuu miigag soo kiciyey
Magli iyo ablay waynagii uga midhroonaanay
Mayalkana u qabanee xornimo maydalka u fuulnay 
Ee maalin loo wada dhan yahay muujay calankeenaa.

Goortii hasheennii mudneyd maraqa loo seesay
Maandeeq markay curatay ee loo mashxaradaayey
Miyi iyo magaalana nafluhu farax la muusooday
Gobanimo waxay mahadisaa meel u wada jeed´e
Muruqii iyo xooggii markaan meel iskugu geynay
Maskaxdana midaynay uu tashigu meel u wada jeeday
MaanshAllee waa taynu nimid heer la mahadsahaa
Masalna aan adduunka u ahayn lagu majeertaa.

Afartaasi taariikh mudneyd oo la soo maraya dheh
Maaliniba waxay maalin kale murugada u dhiibtay
Shalay bay mudneyd oo dorraad bay kaba macaaneyd
Mid waliba midkii kale wuxuu xumo ku meershaaba
Dhaqankii miyiga yaallay oo maamulkii galay dheh
Oo dowladnimadii mulkiyey xoogna ku muquunshay
Madaxii mijaha loo rogay iyo kibir is maandhaafay
Mugdi waxa la soo galay qabiil loo miciinsaday
Middi middi ku taag baa xigtay oo maati doox dhacay

Afartaana murug foolxumayd oo mashaqo reebtay.
Dadku meel uu joogaba dagaal wuu isku maagaaye
Inta uu is madhiyo ayey mar uun kaga ekaataa
Uu talooyin meelmara helaa uu hore u moodaa
Hayeeshee masiibadii dhacdayi maara waa noqotay
Soomaali murankeedu noqoy mid aan dhammaanayn.
Minan duma makaan kaa burbura beled madoobaad
Marwo iyo mudane kaa dhinta iyo maati la xasuuqo
Mashaqooyin dhaca oo khalqigu barakacuu meero
Mashkiladdu intaa maaha oo wey mug weyntahay.
Maxay mudan halkay mari toloow yaa msuul noqoni
Dadkan marrin habowgu uu ku dhacay yaa u miciinaaya
Muftaaxii midnimadoo lumay oon meelna lagy haynin
Musuqa iyo iimaan darrida qarankii maansheeyey
Ruuxii mas´uul laga dhigo oo maalin dhereg doona
Maskaxaha is nacay iyo dadoow maanka kala guuray
Een marnaba la maareyni karin dib u mideyntooda.

Haddii aan mid nahay reero kale nama muquunsheen
Nama maamusheen UN iyo duul maxayste ah
Maatidiyo ubadkaan lahayn uma miciineen
Maandeeq hasheennii dugaag kuma macsuunneen
Muran lama gasheen sharaftii iyo magacii Soomaal
Mulki waxaan lahayn iyo dhulkii lalama meereen
Magacii iyo sharaftaan lahayn kama madhnaaneen
Maxbuus uma ahaanneen qabiil meella aan jirin
Oo kuma mashquulneen dhexdeen maalin iyo leyl
Isma mooraduugneen sidaan nahay majaaniin´e
Miyirkii inuu naga lumiyo garashadii maanku
Waxaasaa mabsuud lagu yahay oo loo mashxaradaa
Oo qabiil mutaxan lagu beddelay magacii Soomaal    
Iyana waa masalo noo  dhinnayd oo mar soo baxa´e
Macbuudka aan u noqonno iyo Allihii Maaliga ahaa
Oo haddaynaan is maamuli kareyn innaga oo meel
Mowqif aynu wada yeelannee gole innoo meersha
Oo meesha in aynaan lahayn maragfuroo shaaga
Magacanna dadkiisii madheen meesha ka caddeeya
Mulkigaba inaan lahaynna aadmi maqashiiya
Haddii kale maxaysato yahay muuja sharftiina
Oo midnimaa macaan lehe u kaca magac Soomaali

Dhallinyaradan mintideysa ee diidday magaceennii
Ee maatidiyo ubadka jiray iyo ruuxii magac weyn leh
Muxubbada u leyn ee dadkii madhiyey waa yaabe
Majarihii qalloocdiyo cadligii meesha laga saaray
Millilkiyo hurgumadiisiibaa soo makaabsaday.
Iyana waa masalo noo  dhinnayd oo mar soo baxa´e
Macbuudka aan u noqonno iyo Allihii Maaliga ahaa
Oo haddaynaan is maamuli kareyn innaga oo meel
Mowqif aynu wada yeelannee gole innoo meersha
Oo meesha in aynaan lahayn maragfuroo shaaga
Magacanna dadkiisii madheen meesha ka caddeeya
Mulkigaba inaan lahaynna aadmi maqashiiya
Haddii kale masaakiin yahay muuja sharftiina
Oo midnimaa macaan lehe u kaca magac Soomaali

Markay talo madoobaato ee meelna mari weydo
Mugdi xaajo goortay gashee la isku meeraysto
Marrinkii aan seegnaan cid kale madax u saarnaa
Waxbaa la ii maleegaan nidhaa oo mus baan galay
Madiiddaa la ii qooshay oo waan marraysnahay
Marmarsiiyahaa waan naqaan meel an joognaba
Micno waxaan lahayn iyo qabiil baan ku murannaa
Muwaafaqa haddaan leenohiyo maliyo miidaanba
Ama an is maqleynoon talada meel u wada qaadno
Magac Eebbe waxaan noqn lahayn duul la mahadshaa

Maalkeenni oo buuxa iyo badihii oo miisan
Macaluul dadkii uma madheen meel uu joogaba
Kaa mashiiqsay aadmigu waxaad mudatay weeyaan.
Makaankiisa ruuxii naca ee diida minankiisa
Ee maal nin kale soo tabcaday mahurtadiis mooda
Iyana waa masalo noo  dhinnayd oo mar soo baxa´e
Macbuudka aan u noqonno iyo Allihii Maaliga ahaa
Oo haddaynaan is maamuli kareyn innaga oo meel
Mowqif aynu wada yeelannee madal innoo deyra
Oo meesha in aynaan lahayn maragfuroo shaaga
Magacanna dadkiisii madheen meesha ka caddeeya
Mulkigaba inaan lahaynna aadmi maqashiiya
Haddii kale maxaabiis yahay muuja sharftiina
Oo midnimaa muhii ahe u kaca magac Soomaali

Dadkii oo la kala madhahayo oo loo midh tirinaayo
Oo meeshan anigaa lahaa la isku maagaayo
Waa maan Berrey iyo maan Bilaal meesha waxa yaalli
Dhulkan maqanayaal baa iska leh iyo maati aan dhalne
Iyagaa u malaysanne intuu mowle korinaayo
Uu mowqif qaadanayo uu miiska imanaayo
Haddaynaan u maamuli karayn innaga oo meel ah
Marwadiyo mudahii u go’ ay magaca Soomaali
Ee iyagu midnimadaas darted naf iyo maal quudhay
Iyagana war murtiyeed dhan iyo mail ha loo diro
Oo inaynaan mas´uul qaadi karin magane gaadhsiiya
Haddii kale midooba oo mar uun dhowra milgeheenna
Oo midnimaa la mahadshaaye u kaca magacii Soomaali

Xiddigaha mariikhiyo dayaxa iyo malluugtoo dhan
Minka faalku leeyahay markaan moorada u eegay
Waa marag ma doon inaynu nahay qoom masiibo ah
Mucjisiyo iyo inaan nahay dadoow duul mar soo baxa
Oo mudh iyo gacan ah oo haddana ceeb u muhanaaya
Duul madhay inaan ka hadhnay amase miro xayeysiis ah
Micneheena bixinwaa nafluhu meel uu joogaba.

Alloow yaa ma kala maarantee meel isugu keena
Midnimadu inay qaali tahay magane yaa u sheega
Inuu qaran muhiim yahay ayaa bara masaakiintan
In qabiilku mowd yahay ayaa toos u maqashiiya
Dhegohooda maasha leh ayaa waano ugu miisa
Is muquunisaye yaa yidhaa maqasha uun dhaafa
Iyadoo muggeeduba yaryhay oon weli malyuun dhaafin
Oo makhaayad lagu hayni karo lagu masaariifo
Malyuumaadka kugu meersan eey meel li´du hayso
Alloow maalin yaa kugu fasaxa ha ku midhaystaane
Markaasaad midnimadiyo aqoon magaca Soomaale 

Muslin dhaba haddii aad tahay oo mowle ka baqaaya
Ama miyirku kuu idil yahay oo maanku kula joogo
Runta lagama maagee xaqaa madax la saaraa
Oo shaygii muhiim ah iyo wixii lagama maarmaan
Oo aan mutuhis iyo ku jirin male awaal been ah.
Mar hadaan Garoowe iyo Muqdisho meel u wada jeedin
Hargeysina ay kaa maarantay oo ay midnimo diidday
Marsadii Kismaayana badhkeen muran gashuu leexshay
Baydhabo inaya meya ku odhan baan muran ka taagneyn
Iyana waa masalo noo  dhinnayd oo mar soo baxa´e
Macbuudka aan u noqonno iyo Allihii Maaliga ahaa
Oo haddaynaan is maamuli kareyn innaga oo meel
Mowqif aynu wada yeelannee gole innoo meera
Oo meesha in aynaan lahayn maragfuroo shaaga
Magacanna dadkiisii madheen meesha ka caddeeya
Mulkigaba inaan lahaynna aadmi maqashiiya
Haddii kale macangagiin yahay muuja sharftiina
Oo midnimaa macaan lehe u kaca magac Soomaali

Hal magaalo oo mudug ku taal oo soohdin lagu meershay
Oo mataanihii wada dhashay maamul kala raacay
Oo qabiil intii lagu maddabay oo lagu maddiideeyey
Oon la isku meereyn hadduu mayd duddada yaallo
Iyana waa masalo noo  dhinnayd oo masiiba ahe
Macbuudka aan u noqonno iyo Allihii Maaliga ahaa
Oo haddaynaan is maamuli kareyn innaga oo meela
Mowqif aynu wada yeelannee gole innoo meersha
Oo meeshaba in aynaan lahayn maragfuroo shaaga
Magacanna dadkiisii madheen meesha ka caddeeya
Mulkigaba inaan lahaynna aadmi maqashiiya
Haddii kale maxaysato yahay muuja sharftiina
Oo midnimaa macaan lehe u kaca magac Soomaali

Mar hadduu is maqalkeennii lumay oon midnimo weynay
Muraadka aynu leenahayna yahay meel yar iyo gooni   
Majarhii xorriyaddiyo haddaan weynay magaceennii
Nin waliba maslaxad gooniyuu maanka ku hayaaye
Afkoo laga mid yahay uurka oon laga mataanoobin
Inta magacii Soomaaliyeed yahay maqaarsaarka
Murugaan ku noolaanayaa mahadho ciil weyne
Ninka ila midoow minanka xiro iyo makaankaaga
Oo mowlaha uun bari inuu falaggu soo meero
Oo aan muftaaxii helnaa lagu midoobaayey.
Allaahu maa balaqtu

Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan