Gabaygan garnaqsi haween waxa uu soo baxay 2005. Waxa uu ka hadlayaa dhibka haysta haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba haweenka caalamka meel walba oo ay joogaan. Gabaygu waxa uu ka hadlayaa wax walba oo la qabto oo ay bulshadu wada qabato in ay haweenku kaalintooda ka qaataan, inta raggu qabto in ka badanna ay weliba qabtaa haddana natiijada aanay inta badan wax ku la hayn.

Xalay gellin dhexaadkii mar aan godosha hayn waayey
Gama´ii mar uu iga gedmaday oon galgalanaayey
Ayuunbaan garwaaqsaday inaan goonyo faalalo
Gooh iyo sawaxan baan maqliyo hadal gambooley
Galbis iyo waxay ila ahayd gole cayaareed
Anoo gaatamaayoo warkii goonyo dhuganaaya
Ooy xaajo igu giigtay oo laba gardeymooni
Ayuun baan u soo galay haween talo gorfaynaaya

 

 

Guri wada xariir oo qurxoon garangar waageeran
Shir gobeedka guurtida haween gaaridu is gaadhay
Garranka iyo guubaabadiyo talo gorfeyntooda
Go´aannada is daba yaalla iyo gabagabayntooda
Isku soo gunaanade warkii wuxuu ku soo gaabatay
Guulaa ku keenaye nin yahow gunud farriintayda
Oo inan rag gaadhsii markay kula gudboonaato.

Geedkii aad joogtana xaq waa laga garaabaaye
Gudbi oo murtidan nooga gee gabi ahaantoodba
Afartaa salaan gaaban iyo gogoldhiggeedii dheh
Markii aan guddoomeen warkii geliyey diiwaanka
Gacmo furan ayaa gogol dugsoon gees la ii fidiyey
Gini ina Suldaan baa markaa gabaygan ii dhiibtay

Waxay tidhi walaal gacaliyoo gabankayoo heedhe
Goortaa la joogee mugdigu gees walba is gaadhay
Habeenkaa gabaabsiyey waxaa gama´a noo diiday
Guryahii waxaan u baxnay ee gooni naga yeelay
Taariikh gu´weyn oo gu´yaal iyo gu´yaal joogtay
Gashi iyo gardarro joogta iyo gaabsi iyo quudhsi
Gaboodfalka rag noo geystay iyo ciilka nagu gaaxday
Gocashada na haysaa ka badan geedahaa baxaye

Waxay tidhi gargaar kuma qabniyo garab sokeeyaade
Gurboodkiyo carruurtiyo guryaha baylahdu is gaadhay
Nama garab galaan oo nolosha nalama guulaane
Gaadiid sidiisaan gurada ugu adeegnaaye
Guhaaddaa waxaa nagaga daran gaari maad tihid
Xilkiisii isagu gudan lahaa jaalkay wuu gabay

Garaabo iyo caleen bay intaa gowska ku hayaan
Golaha fadhi ku dirirkay intaa been ka gurayaan
Gar eexay intaa naqahayaan ma garaabaan.
Gayigeeni oo idil ilaa gooddi iyo goodi
Waxa gabadh ka ooyeysa eey qayladi is gaadhay
Garbo siman garneyllada waxaa ugu garaacaaya
Guryaha wada daloolee madfaca lagu guraabaasay
Gaadiidka miinadu jartay iyo qiiqa gabiyeystay
Gama li´ida jiif xumada iyo gibil madoobaadka
Gudguha markuu soo kacaba igu dul gawriira
Cadceedda i gubaysiyo anoon hoos la galo haysan
Gabbood li´da gaajada ilmaha uurku gubanaayo
Goodka iyo waraabaha ilmaha goosan hilibkooda
Gabadanada ubadkaa ku go´ay ee guudka ka cadhoobay
Garabli´ida aan ahay rag baa i dhigay gelgelintaa

Waxaas oo gaddaafo ah rag baa geystay oo dhigaye
Cadow nama gumaadine raggeenbaa noo guddoonasay  
Geesaaska iyo ciilku hooy sow gartay ma aha
Goobaha aqoontiyo cilmiga heerka lagu gaadho
Dugsi ma geynoo habluhu waa ka garanuug´e
Dhaqankaa gurracan ee haween goonida u soocay
Ma aan galabsanine inan rag baa noo guddoonsady
Arrinkaana hooy nooga gee oo ha garan waayin

Guunyadu hadday goosantoo neef gedmado maanta
Waajibkii uu gudan waayey buu nagu garaacaa
Geel iyo lo´sidaan nahay raggii wuu na gadayaa
Iyadoo gugeedii yaryahay oon meelba weli gaadhin
Gaban dhalatay baa lagu daraa guud caddaa oday
Guddonkana wax kuma laha habluhu lagu gadaayaa
Hadday girftantna dheengad baa lagu garaacaa
Eedaha haween laga galay iyo godobta loo geystay
Wada gaadhimaynee haddaan taabto ganafkeeda.

Garta meelna kama soo galiyo geedka guurtida
Golayaasha waaweyna waa nala giriifaa
Waxba garanimaysaane hooy naa guryaha jooga
Gurboodkiyo dhallaankiyo habloow gowska ka adkaada
Gooddi buu raggii nagu hayaa goor la joogaba´e
Mana garanayaan ruux talada Eebbe garansiin´e
Intay geeska nagu riixayeen waa kuwa is gubay
Gablanka iyo geeriduna waa hooyo gurigeed

Taariikh gu´weyn oo gu´yaal iyo gu´yaal joogtay
Ka gayooni meynee haddaan guud mar kugu siiyo
Gumaysigii Afrika soo galay ee gayiga qaatay
Nimankii gaaleeftiyo la baxay gumuca qiiqaaya
Guubaabo hooyey qabeen geesi galinteede
Gulufkii baxaayaba hablaa gooni u ahaaye.

Haddaan gacalo jirin iga wallaan libin la gaadheene
Gabdhihii mashxaradaayey ee goob kastaba joogay
Iyo tii gamuunku uu ku dhacay ee sidatay gaashaanka
Iyo dahabka tii soo gadday ee ginida dhiibaysay
Gasiinkiyo biyaha tii wadday ee daba gucleynesay
Gargaarkii cuddoonaa gabdhihii dhaawaca guraayey
Gaarida haween kama maqneyn goob la joogaba´e.

Wixii guul la soo hooyey ee galayey taariikhda    
Galladdii haween galay haddaan geedna laga sheegin 
Gartayada inaan sheeganaa wey gudboontahaye
Sow maanta nabsigii gudhnaa iima gacan haadin
Oo gartaada sheego ima dhihin oo ha garanwaayin

Afartaa war lama gaasiree ma u guntaday caawa
Geeraarku meeshaan la rabay saani ma u gaadhay
Ma u gudbiyey siday gaari dumar iigu gogol xaadhay
Mar haddaan gadoodoon u kaco gabay inaan sheego
Ma gabbado´e hadal wada runaan gole ka sheegaa
Waxaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine.


Waxaas oo gabood fal ah rag baa geystay Caliyoo´e
Godobtaa haween laga galay ee loo garbixi waayey
Ee waliba guul guulka  iyo gaabsiku u raacay
Islaam baa gar loo wada yahaye gacalkayoo heedhe
Ma garwaaqsannaa ceebtu wey noo gudboontahay´e.

Giniyeey walaal gacalisoo gabadhayeey heedhe
Go´aankiyo warkaygana haddaan goobtan ka caddeeyo
Marka hore gob weeyaan haween gabi ahaantoode
Gabadha aan dhaliyo waa middaa guriga ii joogta
Iyo gacaloday hooyo oo guudka igu qaadday
Gobol ma laha hooyadu dhulkuna waa u gudboon yahay
Samo goobid mooyee xumaha waa ka garanuug´e.

Garta eexo wey neceb yihiin umana guuxaane
Gacaltooyo waa waxay gabadhi wiil u guursaniye
Inkastuu rag idin gaasiray uu kuu gar bixi waayey
Inkastuu abaakaad u gasheenna gudi aqoon waayey
Gaf kastuu sameeyaaba waa uun garaad li´iye.
Dhaqan wada gurracan baa ka jira goonyohoo idil´e
Guud ahaan adduunkaba habluhu wey goda´anyiin.
Ninna garaadlihi hooyadii xumaan uguma guuxeene
Gabadhii la dhalatay iyo middii Guulluhu u siiyey
Garbaduub intuu geed ku xidho kuma garaaceene

Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku gooyey
Gacmo wada dhashiyo waxaynu nahay kalama guuraan
Xididkaa guntiyo waxaynu nahay laanta geedka ah
Kala gu´ina maynoo sidaa daayin baa u galay
Gartiinase inaad sheegataan wey gudboontahay
Goobtii ad joogtaba habloow geeya godobtiina
Gurbaanka u garaacoo ha dhigin gaarinimadaada
Garma qaatayaashana u sheeg geesinimadaa
Taariikhda gaanka ahna geli hooyo waxay goyso
Ma gudboonin kii kugu yidhaahna gaabis baa tahay dheh
Aniga iyo intii ila gada ah ee waxa garaneysa
Ballan waxaan ku galaynaa inaan joogno garabkiin.