Suugaan qoraal ah

Maansadan Xogwarran

Maansadan Xogwarran oo uu curiyey Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan (Sheekhulcasri) waxa ay soo baxday juun 2007 waxa ay ka hadlaysaa si aqoonta iyo wixii ubadka u faa´iidaynaya. Qoraaga caanka ah Sheekhulcasri oo inta badan waqtigiisa galiyey suugaanta ka hadasha waxbarashada iyo aqoonta. Maansadu waxa ay si kooban uag hadlaysaa maxaan lahaan jirnay, maxaa innaga dhumay, maxaa hadda loo baahan yahay in aan yeello.

 Ilaahay waa xakiim
 
Xaq baa lagu caabbudaa
 
Adduunyadan xaalka yaal
 
Xad iyo xeer buu u dhigay
 
Xaddiiskii Nebiga iyo
 
Xayndaabkuna waa quraan.

 Xikmadda rabbigeen bal eeg
 
Adduun waa laba xidhmood
 
Xumaan iyo waa samaan
 
Xaaraan iyo waa xalaal
 
Xornimo iyo waa gunnimo
 
Si bay isu kala xigaan.

Xiskiyo maankaa is xiga
Xooggiyo muruqaa is xiga 

Xaq iyo guushaa is xiga
Dhibkiyo xumahaa is xiga
Tab iyo xeel baa is xiga.

Ilaahay waa xakiim
Xaq baa lagu caabbudaa
Dunida isagaa xukuma
Xadkiyo meeshuu rabuu
Xowligu ku dul meerayaa
Dharaartii xoogsadoo
Habeenkii soo xereysta
Xarafka Eebbay ku taal.

Ilaahay waa xakiin
Qoloba meel buu ku xuuroo
Dunida wuu kala xidhxidhay
Xayndaabyuu kala dhexdhigay
Waxaa markab xiimayiyo
Xawaaraha duushada iyo
Xamuulka is dhaafayaa
Marbaan xog la kala heliyo
Xidhiidh isku socodba jirin
Indho yar gooni u xidhnayd
Afrika aan xadkeed la gelin
Caddaankani xiiqayaa
Xayeysi marbuu ahaa
Bar xoolo ah aan lahayn
Islaamku xagga sare ahaa
Xudunta cilmiga ahaa
Iyana xikmad Eebbe weeye
Innagu aan xisaabtannee

Soomaalaay xiiqsaneey

Xaggeen safka kaga jirnaa
Dadkaa xusul duubayee
Afkooda xuraynayee

Xiddigaha geeyey ee
dhaqanka xaslanaaya ee

Xumaanta ka leexdayee
Xeerkiyo sharciyada samaystay
Xafiiltan ma la gali karnaa

Intaan waayuhu xumaanin

Dhulkeena la kala xeraysan

Xuduudaha loo samaysan

Xaalkeenu siduu ahaa

Xariir dhul ah baan lahayn

Dadkiisuna yahay xalaal

Taariikhdiisu xooggantahay

Xeer iyo dhaqan baan lahayn

Xooliyo beeraan lahayn

Bad iyo xeeb baan lahayn

Deegaan xalan baan lahayn

Cayaaro xus aan lahayn

Xay iyo dhiin baan lahayn

Xoosh iyo daylaan lahayn

Xaynoosh quruxlaan lahayn

Qaydiyo ximiraan lahayn

Fardaha xamar baan lahayn

Xawaaraha orodka iyo

Kadlaha xiimaaya oo

Nafluhu ku xaraarugaa

Xeerbeegti aqoon leh oo 

Xaqsoorka taqaanna iyo

Xer iyo culimaan lahayn

Xididku xeer buu lahaa

Xushmiyo gogol buu laa

Xigaalku xaq buu lahaa

Xaqii ehelkuu lahaa

Xushmuu deriskuna lahaa                        

Xadkiisa la dhaafi karin
Dhallintu xeer bay lahayd
Xumaanta ka caaggan oo
Xadgudub ruuxii sameeya
Geed baa lagu xidhi jiroo
Xaalbaa laga qaadi jiray
Jacaylku xuduudo iyo

Xag loo raacuu lahaa

Xishood iyo xaal gobeed

Xanuunku dawuu lahaa
Faraadin aqoon xafiday 

Geedaha xubitood yaqaan baa
Xannaanayn jiray dadkiisa

Cilmiga xiddigaha dadbaa
Xisaabaha falagga iyo
Xiddigiska yaqaanay oo
Nayruuska xusuusin jiray

Sannadku xillyuu lahaa
Xagaa iyo dayr xasilan

Xooluhu noo wada dhalaan

Jiilaal dhulka xaalufshiyo
Gu´xoog badan baan lahayn

Waxaan lahayn midabyo xulan
Caddaan xaafuni iyo

Madow xor ah baan lahay

Guduud ximir aan lahayn

Casaan xinjir aan lahayn

Cagaar xidhan baan lahayn
Basali xiis aan lahayn

Huruud xaani aan lahayn

Midabyo xardhan baan lahayn

Ugaadh xayn xayna iyo

Dugaag xamash laan lahayn

Maroodiga xoogga weyn

Wiyisha xadhufaysatee

Geeskeeda ku xoogsatiyo

Gariga xuurta u eg ee

Caleemaha xuubsadiyo
Deerada xaynta isku raacdi

Xambaabule aar libaax

Shabeel xardhan oo qurxoon

Shimbiro xadka jabiyey oon
Xisaab lagu koobi karin
Dhulkeenu u xarun ahaa
Warkani dul ka xaadis weeye
Xogtiisu ma sii gun dheera

Xisaab iyo maaha xaraf

Haddaanay ka sii xumayn

Xaqiiqdu intaa ka badan

Murtida xeerkeeda weeye
Wax aad u arkayso xeer
Xaq iyo inuu kula sax yahay
Faruurtaada looma xidho oo

Dibnaha looma xakameeyo

Hadalka lama sii xuloo
Xadkiis lama sii jabshee

Warkayga aan soo xidhee

Maxaa xal ah ee gudboon

Dhulkeenii xaaluf weeye

Dhirtii waa la xuubsadoo

Dab iyo xulad baa la tagay

Xaabiyo dhuxul bay noqdeen

Xiraad dhulka lagama helo

Xasiid iyo aale daa
Xusuuso baddaan lahayn
Tuugaa xeebaha ku nool
Kalluunkii xoonsanaa
La xaaqyoo lana xasuuq.

Xayn xayntii ugaadha iyo

Dugaaggeenii la xaabsay

Sidii xabbad loola dhacayuu

Xuduudaha jabiyey oo

Deriskay xoolo u yihiin

Iyagay u xeraysan yihiin

Xannaaniyo nabadba hele

Iyagaa xoox iyo ka maala

Xoolo aan la qiyaasi karin

Dhaqankii waan xabaallay

Inagaa xaslan weynayoo
Xurmadii uu inaga mudnaa iyo
Xaqiisii maynu siin

Xabaal buu afkii dul yaal

Xaqooda kuwaan aqoon
Markay wax xujaynayaa

Waxay ku xisaabtamaan

Af aan xadka dhaafahayn

Dunida looga xoogsana

Maxaa loogu xiiqayaa ee

Waqtiga loogu xuurayaa

Xarumihii dhowri jiray

Raggii reerkiyo afkiyo
Murtida xoodaamin jiray

Xabaal bay wada galeen

Anigu xaal ma garanayoo

Afkaygii waan xidhee 

Xal kale ruuxii hayoo
Xogtii u danbaysay iyo
Xaalkeenii waa sidaa

 Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan

Gabay Aflax oo edabna ku dar

Gabaygan Aflax oo edabna ku dar waxaan tiriyey 2006 dii bishii juun 16 keedii. xaflad loo sameeyey aradaydii dugsiyada sare

dhammaysatay ee magaalada Stockholm. Intaa wixii ka danbeeyeyna waxa uu noqday gabay can ah oo xafladaha dugsiyada laga akhriyo oo

lagaga gabyo.

Indhaweydba alifkii ka tagey iyo odhaahdiiye

Ereyadaan astaameyni jiray waan ka aamusaye

Allifaaddii maansada ka hadhay urrrinteediiye 

Ma aloosin maansooyinkii aaladda ahaaye

Xaluunbaan allaylkii hurdada oog la soo kacaye

An ishaaro caawoo kaluu aaya leeyahaye

Afartaa sidii roob onkoday illin ma qaadsiiyey

Dayax afar tobnaad iyo cirkoo wada iftiima

Olol soo baxaayiyo sidii oogta ma u muujay

Aflo iyo sidii Timacaddiyo Aadan ma sheegay

Indheergarad aqoonliyo jidkii oday ma qaadsiiyey

Erey kalena waa maansadaan uurka ku hayaa

Arday yahay ayaanka leh ee Ilaa guusha ku ilhaamay

Ubaxyahow baxaayee udgoon ee uunka wada gaaray

Ilays yahaow ifaayee dadkii farax ku iidaamay

Ugbaad yahaw koraayee nafluhu dooni inuu eegto

Uurkiyo naftaa jecel inay idin ammanaane

Araggiina oo qudhuu nafluhu ku istareexaaye

Adeer Aadan iyo Caasha iyo Ugbaaddaa yar

Ilhaan iyo Samiiriyo Isxaaq Ayni iyo Nuura

Axmad iyo Fardowsiyo Ayaan Aaminiyo Faarax

Ismaaciil yareyio Geeddi iyo Iikar iyo Xaashi

Ismahaan Ismaaciil Cusmaan Iisha iyo Qaali

Axado iyo Isniinoiyo Sugaal Aamin iyo Naasir

Intiina i arkaysiyo kuwaa aagga kale jooga

Arligaan lahayn iyo intii dibadahaa aadday

Ubadkeennii baad wada tihiin idil dhammaantiine

Ehel wada dhashiyo waxaad tihiin ina´adeertii

Isirkiinnu Soomaali waa u udub dhexaadkiiye

Aflaxa oo Ilaah baan baryaye oogta sare gaadha

Afartaa sidii roob onkoday illin ma qaadsiiyey

Dayax afar tobnaad iyo cirkoo wada iftiima

Olol soo baxaayiyo sidii oogta ma u muujay

Aflo iyo sidii Timacaddiyo Aadan ma sheegay

Indheergarad aqoonliyo jidkii oday ma qaadsiiyey

Erey kalena waa maansadaan uurka ku hayaa

Aqoontaa ad barateen ardayeey waa anfaca weyne

Waa awood haddana waa iftiin iyo ilayskiise

Waa aalad lagu faano oo abid aan duugoobin

Ifka intaad ku nooshiyo haddii aakhiro aad aaddo

Labadaba cilmigu waa mid aan kaa anbanahayne

Ummaddiina waa inaad sinnaan ugu adeegtaan.

Inkastood ayaan iyo ayaan orod ku soo daashay

Imtixaan wixii aad gashiyo oohintiyo ciilkii

Alleylkoo jirmaadada hurdadii laga abraaraayey

Oonka iyo gaajada waxay adhaxdu dhuubnaatay

Edabtiyo akhlaaqdiyo waxaad sharafta eegaysay

Anshax iyo asluub iyo waxaad aadmiga addeecda

Abaalkii laguu galay qof guda innad ahaataa

Qabiilkaa idlaan waayey ee lagu arooraayo

Aanada dadkii kala gashay iyo eexda hadhi weyday

Arligaan lahayn iyo dhulkii Eebbe nagu uumay

Aafada waxaa baday ee dadkii wada ugaadheeyey

Illinkaad istaagtaba waxaa ubad ka ooyaaya

Arday yahay kuwii awdilaa idinka weeyaan.

Aqoon li´ida iyo gaajadaa uunkii wada gaadhay

Arligeennii oo hodan ah iyo waxa dagaal oogan

innagoo Islaam wada ah iyo uunkii Nabigeenna

Is afgarad la´aantiyo xumaha weydin aragtaanne

Afku dad uu ka weynaaday oo aafa aa badane

Iimaan darrada waa in aad la ishtihaaddaan

Aqoontaa haddad barato ood meelo sare aaddo

Siduu Eebbeheen sheegay iyo aayadaha yaalla

Amarkiisa kuwii qaata waa inaad ahaataan

Waalidkii addeeciyo hufane uunka u dhexeeya

Arligiisa daaface nafluhu doono abidkiiba

Aqoon yahan xurmada lagu yaqaan arad kastuu joogo

Ururshaha dadkeeniyo midnimo idinka weeyaan

Waxba hadalku yuun ila ordine waxaan ku soo ooday

Ummadaha adduunkuba marbay eber ahaayeene

Ha yeeshee aqoon buu nafluhu ku intifaacaaye

Iyadaa albaabada furtiyo hilinka kaa awdan

Afhayeenka dhaqankeenu hooy idinka weeyaan

Ururshaha dadkeeniyo midnimo idinka weeyaan

Aflaxa oo Ilaah baan baryeye Edabna sii raacsha

Aflaxa oo Ilaah baan baryaye qayrkiin ka adkaada

Aflaxa oo Ilaah baan baryaye oogta sare gaadha