About Us

Degelkan iftiinka aqoontu waxa uu kuu hayaa buugaagta afka Soomaaliga oo noocyo iyo qaybo badan iskugu jirta. Buugaagtaas oo leh kuwa waxbarashada, sheekooyinka oo kala ah sheeko xariirooyinka iyo sheeko baraleyda maleawaalka ah. Waxa kale oo aad ka helaysaa suugaanta qaybaheeda kala duwan oo yar iyo weynba anfacaysa. Waxa intaa kuu dheer buugaagta taariikhda, diiniga, qaamuusyada iyo aqoonta cilmiga noocyadooda kala duwan.

Shirkaddan Iftiinka aqoontu waxa ay kuu haysaa oo kale CDyo kala duwan oo ay ku dhan yihiin suugaanta qaybaheeda kala duwan sida suugaanta dhallaanka, dugsiyada, haweenka iyo gabayo aad u qiimo badan oo kuwii hore, dhexe iyo kuwo cusubba leh. Shirkaddu waxa ay idinku soo dhaweyneysaa gacmo furan iyo wadashaqayn joogto ah. Wixii aanay hayn waxa ay idiinka raadin meesha lagu sheego. Intaa waxa idiin dheer qiimo aad u macquul ah oo ay mar walba idiinla diyaar tahay.