Gabaygan raalligelin haween waxa uu soo baxay 2006 waxana uu ka hadlayaa dhibka haweenka iyo carruurta ka haysta dagaallada iyo colaadaha iyo guud ahaanba raga oo mar walba sadbursiimo dheeraad ah ku haysta bulshada dhexdeeda halka ay haweenka ama gabdhuhuna ay mar walba kaalinta labaad yihiin

 

Ra´yi gabay beryahan waanigaa tirin Rashiidoow´e
Raandhiiska ereyadii lahaa reebay oo nacaye
Raasamaal hadduu leeyihay iyo ribix wax goynaaya
Mansab la isku raaciyo haddii raaxo laga dheefi
Nimankii murtida ruugi jiray baa raaya helilaaye
Waxa maanta igu soo riday ee soo rogaal celiyey
Caddaaladdan la kala reebay een dumar u roonaanin
Ee raalli gelin iyo sed buris inan rag uun siisay
Dulmigaa ragaadshee hablaha raadka ku asteeyey
Haweenkiina laga reebay baan raalli geli sine

 

Afartaa war lama raamsadee ruugga ma u aasay
Raage iyo Qamaan iyo sidii Rooble ma u sheegay
Raamaale aar iyo sidii goosha ma u reemay
Ma raxleeyey sidii roob gu´da´ay ramashidii dayrta
Niman baa murtida raajiya oo ruuga oo dila´e
Ma u ratibay siday iga rabeen Raaxo iyo Qaali 
Alla i lehe halkii aan la rabay row mak aga siiyey
Ragoow xaal muddoba raagay iyo rafaad jooga
waxaan doonayaa inaan hablaha raalli geliyaa

 

Rajo iyo agoonimo midday baahiyi ku raagtay
Mid yaraan ku raxanraadday oo weli rafaadaysa
Mid aqoontii laga reebay oo reerka u adeegta 
Mid arooskii laga raacay oo aan rug wacan haysan
Iyadoo an rabin tii la furay ee carmali raagtay
Weligeed mid aan raaxo arag oon reysba cago saarin
Isku soo rogoo dumar wixii laga sad roonaaday
waxaan doonayaa inaan hablaha raalli geliyaa

 

Raashinkii ay kariyeen waxay raran gubyootaanba
Ka soo roga raggaa inaga daran ee raarta wada geeya
Lafihii kuwii ruugay ee aan waxbaba reebin
Raggii gaajadaa idinku riday raalli ka ahaada
Xaadsan baa rugtii laga baxshoo raaskii laga saaray
Raalliya haween bay ahayd dhaqasho reeraad
Run ay sheegtay baa lagu nacay oo rubaadda loo gooyey
Dalqaddiina loo raacshay oo maalkii laga reebtay
Raxma wuxuu Rashiidkii ku dilay raashin yara daahay
Lix da´ood Ruqiya oo dhashay baa reerkii laga saaray
Ri´yo dacawo soo weerartaa Raaxo lagu waayey
Rayigeyga aan dhiibto bay ina Rashiid eedday
Idinku raaska jooga oo habloow raashinkuun kariya
Aqoontana ka reebnaada oo reerka ku ekaada
Ra´yigaa raggii keenayoow raalli gelin dhiiba

Rafiiqaad lahayd ee yaraan caashaq kugu raacay
Ee reer inaad wada dhistaan raalli ka ahaaday
Adigoo run wada oo facaa dooni inaad raacdo
Oday reero hore soo dhistay oo wada ribiishoobay
Rubbad kii ku dhaafsaday ee duqaa raafka kuu geliyey
Rafaadkuu ku baday aabahaa raalli noqo baayo
Rabbi weynahaa la cuskadaaye iyo Rasuulkii ´e
Jacaylkaa ribbaday iyo dhibkaa raalli noqo baayo

 

Raaxo uma ladaan jiifka wey rara gubyoodaane
Xannaanada mid kula roor mid kale rooti u diyaari
Reexaan udgoon iyo carfoon reerku ha ahaado
Duqu yaanu raagine qadada reedhi uga sii dhig
Rabbayntii carruurtaa u dheer iyo rucleyntii
Waxaas oo rafaad ah eyey haween raalli ku yihiine
Dharaar qudha ragoow weydinkaa raashin karineyn

Dumaroow rafaad waxaad marteen raalli ka ahaada
Rajo li´ida hooy la idin baday raalli ka ahaada
Aqalladii madfaca loo rukumay raalli ka ahaada
Miinadii waddada lagu rikibay raalli ka ahaada
Ruc rucdiyo qaxiyo barakacii raalli ka ahaada
Ruxankiyo jabkiyo socotadii raalli ka ahaad
Roobkii cidlada idinku helay raalli ka ahaada
Waraabihii ilmaha raamsaday ee ruugay hilibkooda
Raas li´ida nimankii idin baday raalli ka ahaada
Raggii aad jecleydeen raggii gooyey rubaddooda
Ee reer la´aanta idin dhigay raalli ka ahaada
Aseydaa kuwii kugu raray ee ciilka kugu raajay
Wax kastoo rafaaduu rag dhigay raalli ka ahaad
Rabbiga weyn ee raxmaanka ah dartii raalli ku ahaada

 

Raxmaddaa fogaatay ee dhulkeennii roob ka di´i waayey
Abaaraha ragbaa sababay oo riiqay aadmiga´e
Raayada adduun nabaddu waa u raasamaal adage
Intay ani la wada roorayaan kelidey aan reeyo
Ama reerkayagu reerka kale ribix ha dheeraado
Oo raaskayagu raaska kale rubuc ha dheeraado
Dhalanteed ruwaayada intii la isku raacaayo
Riyadaasi waa been weligeed aan run noqoneyn

 

Rabbigeen ha dhaafee abaal raagay dumar baa leh
Raaxada adduun ramashi iyo raysba dumar baa leh
Nolol lagu riyoodiyo wanaag runa hawnn baa leh
Raas lagu nagaadiyo rug wacan raaxo dumar baa leh 
Aqal raar dugsoon leh rasmi ah raaya dumar baa leh 
Aroos loo raxleeyiyo cayaar waayo lagu reysto
Rajadeenna oo idili waa raalliya hawne
Haddaanay reerka noo joogin dumar raaska iyo qoyska
Rafaad kama baxneen iyo dhib iyo gaajo raxnraade.